Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Somaliska

Ku soo dhowaada Daryeelka ilkaha dadweynaha ee gobalka Västra Götaland

Waxa wacan inaad la socoto arimahan intaadan na soo booqan

Daryeelka ilkaha dadweynaha wuxuu ka jiraa Iswiidhen oo dhan iyadoo daryeelka ilkaha dadweynaha gobalka Västra Götaland uu ka jiro dhamaan 49-ka degaan ee gobalka Västra Götaland.

Gobalka Västra Götaland wuxuu bixiyaa daryeel ilko oo bilalasha ilaa iyo sanadka aad ka buuxineyso 23 sano. Qofka ka weyn da´daa wuxuu heleyaa bedel laba nooc ah, inuu bixiyo qarashka kadib booqasho kastaa ama Caafimaadka daryeelka ilkaha – daryeel ilko ee qiime go´an bil kasta. La xiriir kilinikada aad caadiyan tagto haddii aad dooneyso inaad ogaato wax intaa dheer ee ku saabsan Caafimaadka daryeelka ilkaha ama qiimaha waxqabadka kala duwan. Haddii aadan laheyn kilinika aad xiriir la leedahay waxad markaa la xiriiri kartaa Daryeelka ilkaha dadweynaha kuugu dhow.

Booqo bogga internetka www.1177.se/Other-languages haddii aad dooneyso warbixin intaa dheer ee ku saabsan nidaamka daryeelka ilkaha uu u shaqeeyo Iswiidhen.

Daryeel ilko ee deg dega

Haddii ay kula soo gudboonaato dhibaato deg dega ee ilkaha ah marka hore la xiriir kilinikada aad xiriirka la leedahay. Haddii aadan laheyn kilinika aad xiriir la leedahay waxaad la xiriiri kartaa Daryeelka ilko dadweyne ee kuugu dhow si ay kuu hagaan. Haddii kilinikadu xiran tahay waxad la xiriirtaa Qeybta daryeelka ilko deg dega ee Daryeelka ilkaha dadweynaha eeriyada aad ku sugan tahay. Waxaad kalood wici kartaa qeybta warbixinta bukaanka ee telefoonka 1177.

Turjubaan

La xiriir kilinikadaada haddii aad u baahan tahay gargaar turjubaan marka aad rabto inaad booqato Daryeelka ilkaha dadweynaha. Gargaarka turjubaanku waa bilaash.

Xusuusin SMS

Haddii aad bixisay lambar telefoon mobiila waxaa laguugu soo xusuusin doonaa SMS ka maalin ama labo intaa aaney dhicin booqashadaada qorsheysan. Booqashada ma baaqaneyso xataa haddii cilad farsamo darteed lagaala soo xiriiri waayo mobiilka.

Badalida balanta

Haddii aadan imaan karin balanta laguu qabtay adiga ayaa markaa bogga internetka ka badali kara balanta, adigoo isticmaalaya baaswoodhka warqada balanta, www.folktandvarden.se/vgregion Booqo bogga "Badal balantaada". Waxaad kalood toos kula xiriiri kartaa kilinikadaada qaab telefoon ama e-mail. Warbixinta xiriirka waxaad sahal uga heli kartaa boggeena internetka www.vgregion.se/folktandvarden/hittamottagning

Mar walba la xiriir kilinikadaada markaad baajineyso balan

Haddii aad dooneyso inaad baajiso balan waxa wanaagsan inaan sida ugu dhaqsaha badan leh waqtigaada u siin karno qof kale. Sidaa darteed baajinta balanta toos ugu sheeg kilinikadaada adigoo isticmaalaha telefoon ama e-mail ugu danbeynta saacadda 12.00 maalint shaqada ee ka horeysa maalinta booqashada. Haddii aad xanuunsato isla maalinta balanta, la xiriir kilinikadaada ugu danbeynta saacad kadib marka kilinikada la furo.

Cidi baaqata waxa laguu dalacayaa qarash (caruur iyo dadka waaweynba)

Haddii aad ka soo daahdo ama aadan iman balan aad laheyd waxad bixineysaa qarashka booqashada. Sidoo kale haddii aad soo sheegto baaqasho goor danbe.

Dooro qaabka aad u bixineyso qarashka booqashada

Qarashka daryeelka ilkaha waxad ku bixin kartaa kaash ama kaar. Kilinikada qaar waxey ogol yihiin kaar kaliya. La xiriir kilinikadaada si aad u ogaato waxey qaataan.

Haddii aadan qancin

Inaga ka shaqeyna Daryeelka ilkaha dadweynaha waxan marka kastaa daneynaa in qofka naga tirsani ku qanco qaabilaada iyo waxqabadka uu naga helo haddii aynu ahaan laheyn dhaqtar ilko, nadiifiye ilko ama kalkaaliye ilko. Haddii sababtey doontaba ha noqotee aad qanci weydo fadlan nala soo xiriir, si aan wax u hagaajino.

La xiriir marka hore qofka ku daryeela oo u sheeg waxad aragto ee qalada ee jira iyo sababta. Markaa kadib waxad la xiriiri kartaa mas´uulka madaxa kiliniga.

Waxaad mida kale e-mail Daryeelka ilkaha dadweynaha ugu gudbin kartaa afkaartaada waaxda mas´uulka ka ah tayada ee Västra Götaland. E-mailku waa: synpunkter.folktandvarden@vgregion.se

Su´aalo

Waxan mar kasta diyaar u nahay inaan nala soo xiriirto inaga Daryeelka dadweyne ee ilkaha ah haddii aad qabto su´aal noocey doontaba ha ahaatee. La xiriir marka hore kilinikada aad caadiyan xiriirka la leedahay.

Waxa wacan inaad la socoto arimahan intaadan na soo booqan
Inför ditt besök hos Folktandvården

Qoraalkani wuxuu ka hadlayaa ilkaha cusub ee ilmahaaga
Ditt barns första tänder

Talo iyo warbixinta intaan la bilaabin buuxinta iligga ilaa gunta
Råd och information inför rotfyllning

Talo iyo warbixin ku saabsan ilkaha maranaya
Råd och information om erosioner

Talo iyo macluumaad ku saabsan caabuqa ciridka iyo ilko daadasho (gingivit och parodontit)
Råd och information om gingivit och parodontit

Talo iyo macluumaad ku saabsan suuska iyo maaddada ka ilaaliso ilkaha suuska (fluor)
Råd och information om karies och fluor

Talo iyo warbixin ku saabsan dawada dejinta ee xiliga
Råd och information om lugnande medicin vid tandläkarbehandling

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo
Råd och information inför implantatbehandling

Talada caafimaadka ilkaha ee dhalinyarada iyo dadka waaweyn
Råd om munhälsa för vuxna

Talo ku socota adiga illiga laga saarey
Råd till dig som tagit bort en tand

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro
Rörelseträning för överbelastad käkmuskulatur

Hooyada mar dhow dhaleysa
Till den blivande mamman

Talooyin fiican oo ku saabsan ilkaha caruurta
Råd om barns tänder

Uurka iyo caafimaadka afka
Graviditet och munhälsa

Ku saabsan ilko-caanoodka
Om mjölktänder

Marka ilkaha ugu horreeya ay soo baxaan
När de första tänderna tittar fram

Talooyin wanaagsan oo la xariira ilkaha yaryar
Goda råd för små tänder